Xasan iyo Shariif oo ka Baxay Heshiiskii ay La Galeen Farmaajo, Eedayn Culusna u Jeediyay

Published: December 19, 2019

Qoraal ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ee Muqdisho ayay ku shaaciyeen inay ka baxeen wada-hadalladii ay kula jireen Madaxweyne dowlada federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,

Madashan oo ay hormuud u yihiin madaxweynashii hore ee Somaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu jebiyey qodobada heshiiskii horey loo gaaray.

Qoraalka ay madashu soo saartay, oo ku taariikheysan 18-ka December ayay ku sheegeen inay garowsan yihiin in danta madaxweyne Farmaajo ka lahaa wada-hadalladii 18 November ay ahayd kaliya hadaf siyaasadeed ee aanay ahayn inuu xal la gaaro saamileyda siyaasadda dalka.

Waxay kaloo ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo inuu diiday inuu bulshada la wadaago qodobadii horey loogu heshiiyey, taasi oo ay ku qeexeen inay horudhac u ahayd inuusan ixtiraamin heshiiska.

Madasha ayaa madaxweynaha ku eedeysay inuu si cad u jebiyey dhammaan qodobadii heshiiska, sida Qodoboka dhowrista xuquuqda hadalka iyo socodka muwaadinka, sidoo kale Qodobka doorashooyinka, Madashu waxay sheegtay in Farmaajo weli uu ku dheggan yahay hindise baal-marsan dastuurka, isaga oo aan wax ixtiraam ah u hayn dhinacyada kale ee wax ku leh tallada dalka. Waxay sidoo kale ku eedeeysay inuu faro-gelin cad ku hayo doorashooyinka maamul goboleedyada dalka, sida Galmudug, oo uu ka shaqeynayo in madaxweyne loo doorto musharax horey loo go’aamiyey.

Qodobada kale ay ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo inuu weli sii wado inuu xasilooni-darro ka abuuro maamullada dalka sida Jubaland, iyo Puntland oo uu maal-geliyey kacdoon ka dhaca dowladda halkaas ka jirta.

Gabagabadii waxay sheegeen in guddiga wada-hadallada Dowladda federaalka iyo Somaliland uu kusoo daray shakhsiyaad ku eedeysan inay xubin ka ahaayeen dowladdii Siyaad Barre oo loo haysto xasuuqii shacabka Somaliland.

Eedaymaha ay soo jeediyeen madaxweynayaashii hore ee dowladda federaalka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya uu safar la xiriira doorashada 2020 uu ku tegay maamul Goboleedyada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *