Jen C/xamiid Dirir oo Lagu Weeraray Koonfurta Galkacayo

Published: December 21, 2019

Wararka ka imaanaya magaaladda Galkacayo ayaa sheegaya in Qarax gaari loo adeegsaday lagu weeraray Gawaari kolonyo ah oo uu watay Taliyaha ciidamada lugta ee dowladda federaalka C/xakiim Dirir.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa laga maqlayay inta badan magaalada, waxaa uuu ka dhacay Hotel Star ee koonfurta Magaaladda, dhinac Galmudug ka taliso, halkaasi oo ku sugnaa taliyuhu.

Wararku waxay intaas ku darayaan General C/xakiim iyo saraakiil la socotay ay ka badbaadeen weerarkaasi, waxaase jira dhaawacyo soo gaaray askartii ilaalada u ahayd.

Gashaanle Cabdifitaax Dabagaale oo ay VOA la hadashay ayaa sheegay in dad rayid ah oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay ay waxyeelo soo gaartay.

Taliyaha Ciidamada lugta C/xamiid ayaa labadii toddobaad ee la dhoofay wuxuu ku sugnaa gobolka Mudug, halkaasi oo ka waday wadahadalo lagu heshiisiinayay labo beelood oo ku diriray degaanka Towfiiq. Xiliga uu qaraxu dhacayay wuxuu ka soo baxay shir la xiriiray nabadaynta labada beelood.

Horseedmedia

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *