Madaxweynaha Jubaland oo Daah-furay shirka looga hadlayo arimaha Dhaqaalaha.

Published: December 21, 2019

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah furay shirka wasiirada Maaliyada dalka oo diirada lagu saarayo maaraynta miisaaniyada dadweynaha iyo hanaanka dayn cafinta dalka.

Shirkan oo in mudo ah soo socday ayaa waxaa ka qaybgalaya Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha jubaland Axmed Madoobe ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in dalkeena laga cafiyo daynta uu aduunku ku leeyahay si ay usoo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hanaanka maaliyada dalka taas oo ah wax mudo ay sugayeen shacabka soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *