Madaxweynaha Puntland oo Qado-Sharaf u sameeyay hogaanka dhaqanka Gobolka Bari.

Published: December 21, 2019

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qado Sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garoowe.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowladda, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, Hoggaanka Dhaqanka, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin Dhismihii iyo illaalinta jiritaanka Puntland, wuxuuna kula dardaarmay inay halkaasi hore ugasii wadaan kana shaqeeyaan nabadgelyada, midnimada iyo horumarka Puntland.

Hogaanka Dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qado sharafta iyo is- xogwareysiga, waxayna sheegeen in marwalba ay dhaqanku garab taagan yihiin dowladdooda, illaalinta nabadgelyada iyo horumarka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *