Puntland oo 50% Hoos u Dhigtay Khidmadihii Laga Qaadi Jiray Diyaaradaha Imaanaya Garoonka Galkacayo

Published: December 21, 2019

Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh) ayaa magaaladda Galkacayo kaga dhawaaqay in xukuumadda Puntland 50% ay hoos u dhigtay khidmadihii laga qaadi jiray diyaaradaha imaanaya garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Magaaladda Galkacayo.

Magaaladda Galkacayo ayaa maanta waxaa lagu qabtay kullan ay isugu yimaadeen Masuuliyiin ka socday xukuumadda Puntland, Odoyaasha dhaqanka ee Galkacayo iyo maamulayaasha shirkadaha diyaaradaha ee adeegsada garoonka.

Agaasimuhu uxuu sheegay in go’aanka lagu dhimayay khidmadaha ay si wadajir u gaareen Wasaaradda maaliyadda iyo Wasaarada Duulista hawada

” haddii arrinta maanta aanu halkan kaga dhawaaqnay ay isbedel keeni waydo, waxaan idiin ballanqaaday inaanu samayn doono waxkasta oo Garoonka galkacayo isbedel ku helayo aanu samayno” ayuu yiri Agaasimihi

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland C/raxmaan Dhabancad oo kulanka ka hadlay waxaa uu sheegay in dowladu ka jawaabtay cabashooyinkii ka imaanayay shacabka iyo shirkadaha diyaaradaha, waxaa uu sheegay inuu rajaynayo in qiime dhimista lagu sameeyay khidmadaha la qaaday ay horseedi doonaan inay garoonka ay yimaadaan diyaarado badan.

Garoonka diyaaradaha Galkacayo oo la dhisay xiligii dowladii hore ee Somaliya, islamarkaana ahaa garoonka ugu mashquulka badan Puntland ayaa waxaa muddooyinka hoos u dhacay diyaaradaha rakaabka iyo agabka kale keena garoonka, diyaaradaha ayaa u wareegtay garoomo kale oo macmal oo laga dhisay magaaladda Galkacayo iyo magaalooyinka kale ee gobolada mudug iyo Galguduud.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *