Honduras: 18 Qof oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Xabsi

Published: December 22, 2019

Ugu yaraan 18 qof ayaa geeriyooday, 16 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii uu dagaal uu dhexmaray Maxaabiis ku xirnayd Xabsi ku yaal waqooyiga wadanka Hoduras ee Bartamaha qaarada Maraykanka.

Warbaahinta gudaha ee wadankaasi ayaa soo tebisay in maxaabiistu ay isku adeegsadeen Hub iyo mindiyo, waxay kaloo sheegeen in 17 Maxbuus ay ku dhinteen xabsiga gudihiisa halka maxbuus kalena uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Xabsigan oo ay ku jiraan maxaabiis u badan kooxaha ka ganacsada daroogada ayaa ku yaal magaaladda Tele oo 200km u jira Caasimada dalkaasi ee Tegucigalpa

Madaxeynaha Honduras Juan Orlando Hernandez ayaa amar ku siiyay ciidamada milateriga inay la wareegaan 27 Xabsi oo ku yaal guud ahaan dalkaasi, kuwaasi oo ku jiraan 21,000 kun oo qof

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *