Madaxweynaha Galmudug oo ka Hadlay Qaraxii Galkacayo

Published: December 22, 2019

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed ducaale Geele Xaaf ayaa cambaareeyay weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee lagu qaaday kolonyo baabuur oo uu saarnaa taliyaha ciidamada Lugta ee dowladda federaalka C/xamiid Maxamed Dirir.

Madaxweynuhu Wuxuu tacsi u diray ehelada askarta iyo shacabkii ku geeriyooday qaraxaas, waxaana uu yiri

“Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeen waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Inta la ogyahay ilaa 8 qof ayaa ku geeriyootay, 20 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen weerarkaasi oo ka dhacay Hotel Star ee koonfurta Galkacayo, halkaasi oo ku sugnaa taliyaha ciidamada Lugta iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *