Puntland oo Diyaarado Gurmad-sidda u diraysa Gobolka Gardafue.

Published: December 22, 2019

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaari doono Magaalada Caluula ee Gobolka Gardafue, Puntland ayaa diyaaarado sida Noocyadda kala duwan ee Gurmadka gaarsiin doonta shacabka ku dhaqan Goboladaas oo ay saamayn xog leh ku yeesheen roobabkii da’ay iyo duufaantii ku dhufatay Badwaynta Hindiya.

Gurmadka ayaa ka kooban Noocyadda kala duwan ee Raashinka, Dawo, Hu’u iyo Adeegyadda Aasaasiga u ah Nolosha, Sidoo kale Maamulka iyo Shacabka Gobolka Gardafue ayaa maalmahan ku mashquulsanaa diyaarinta Garoon Macmal ah oo ay diyaaraduhu kasoo deggaan.

Wafti ayaa waxaa qayb ka ah In ka badan 4 Wasiir oo ka tirsan Golaha Xukuumada Puntland, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *