Saddex Qodob oo ay Ka Wadahadleen Xukuumada iyo Xisbiyada Somaliland

Published: December 23, 2019

Qasriga madaxtooyada Somaliland waxaa maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.


Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa diirrada lagu saaray saddex qodob oo fure u noqon karaa in Somaliland ka dhacdo Doorashada barlamaanka iyo dowladda Hoose.

  1. In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.
  2. In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.
  3. In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku waxay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *