Jowhar – Khasaare ka dhashay dab qabsaday suuq

Published: December 24, 2019

Goobo ganacsi oo ku yiil suuqa ugu weyn magaalada Jowhar ayaa gebi ahaanba gubtay kadib markii xalay uu dab qabsaday.

Dabkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogeyn sababta keentay ayaa waxaa ku gubtay dhammaan hantidii tiil goobahaas ganacsi oo isugu jirtey baqaaro lagu iibiyo qalabka dhismaha,farmashiyaal jumlo iyo tafaariiq ah,dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dukaan lagu iibiyo bagaashka.

Dadaal ay sameeyeen dadka ganacsatada iyo dadka deriska la ah dhismaha dabka qabsaday ayaa suurtogelisay in laga soo badbaadiyo qoys degenaa dhismaha uu dabku qabsaday,hase yeeshee waxaa gubtay dhammaan wixii hanta ay lahaayeen qoyska oo yiil guriga.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh iyo Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali iyo mas’uuliyiin kale ayaa tegey dhismaha uu dabku ka kacay oo ay lahaayeen reer Rooble Nuur Jimcaale oo ah qoys caan ka ah magaalada Jowhar.

Ugu dambeyntii waxaa lagu guuleystey daminta dabka iyadoo mid ka mid ah dabdamisyada magaalada Jowhar uu qeyb weyn ku lahaa daminta dabka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *