Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Guddida Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Published: December 24, 2019

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu xarunta madaxtooyada ee Hargaysa uu kula kulmay xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland ee dhawaan la magacaabay

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan.

Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xogwarran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan.

Kulanka Muuse Biixi uu la. yeeshay guddiga doorashooyinka wuxuu imaanayaa labo maalmood ka dib markii uu la kulmay guddoomiyayaasha labbada xisbi qaran ee Somaliland. Xisbiyada siyaasadda ayaa ka hor yimid guddigan cusub, sidoo kale guddigii dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiyada ayaa soo jeediyay in la kala diro guddigan islamarkaana dib loo howlgaliyo guddigii hore ee Koomishanka doorashooyinka Somaliland.

HORSEEDMEDI

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *