Madaxweynaha Eritrea oo gaaray Magaalada Adis-Ababa.

Published: December 25, 2019
Afwerki Iyo Abiy Ahmed.

Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray MagaaladaAdis-ababa ee xarunta Dalka Ethopia ka dib markii uu casumaad rasmi ah ka helay raisal Wasaaraha Ethopia Abiy Ahmed, Raisal Wasaaraha iyo xubno ka tirsan dawlada ayaa si heer-sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Bole.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa lagu waddaa in ay ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal, dhamaystirka heshiisyadii ay horay u gaareen iyo guud ahaan xaalada Geeska-Afrika.

Afwerki ayaa maalin ka hor kasoo laabtay Booqasho uu ku tagay Dalka Imaraatka Carabta isaggoo kulamo lasoo qaatay madaxda ugu saraysa Dalkaas.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *