Muuse Biixi oo Daaha Ka Fayday cashuur-dhaaf Loo samaysayo wershedlayda Somaliland

Published: December 25, 2019

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta xadhigga ka jaray carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in xukuumadiisu ay cashuur dhaaf u samaynayso Waxsoosaarka warshadaha

Madaxweynuhu wuxuu si mug leh u bogaadiyey dedaallada kala duwan ee wershedlayda dalku ku tallaabsadeen, islamarkaana ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan tahay ganacsatada dalka ee ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa.

Wuxuu daaha ka fayday taageerada laxaadka leh ee xukuumaddu la garab taagan tahay dhiirrigelinta wax soo saarka dalka iyo wershedaha dalka gudihiisa ka jira, isaga oo xusay lacago aad u tiro badan oo ay xukuumaddu cashuur-dhaaf ugu samaysay wershedlayda dalka,

“Dawladdu iyada oo aan dhaqaale badan haysanin, haddana sannadkan $14.2 milyan oo dollar oo cashuur-dhaaf ah ayaanu wershedaha siinnay, waxana aannu sugaynaa oo ku rejo weynahay inaanu wixii kale ee aanu kari karno ugu darno, annaga oo rejaynaynaa inay noqdaan kuwa kora oo dalka dhaqaalihiisa iyo shaqaalihiisu ku xidhnaan doono,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dawladda Deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha lagaga hadlay muhiimadda ay horumarka qaranka u leedahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka.

Carwadan oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo tayada waxyaabaha ay soo saareen wershedaha Dalka ayaa Madaxweynuhu waxaa uu mid mid u galay wax soo saar kala duwan oo ay carwada kusoo bandhigeen wershedaha dalka ka dhisani.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *