Ururka Ahlu-Sunah oo qaadacday Shuurudaha Gudigga Doorashooyinka Galmudug.

Published: December 25, 2019

Ururka Ahlu-Sunah ayaa warqad ay soo saareen waxay ku qaadaceen shuruudaha gudigga doorashooyinka maamulka Galmudug, Hogaanka Ahlu Sunah waxay tilmaameen in aysan si-nabada go’aaanadaas u qayb ahayn maadama aysan aqoonsanayn gudigga doorashooyinka Galmudug, Matalaadna aysan ku lahayn.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay ixtiraamto heshiis labada dhinac dhexmaray, islamarkaana ay sidii loo dhigay u dhaqan-geliso. Ahlusunna Wal-Jameeca waxay sidoo kale tilmaamtey in Heshiiskii ay la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu garwadeenka ka ahaa Ra’iisul wasaare Khayre ay sidiisi u fuliyeen dhankooda.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *