Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Qaraxyo ay diyaarinayeen ku dhintay.

Published: December 25, 2019
Sawir Hore

Deegaanka Mililiqo oo hoos-tagga degmada Xarar-dheere ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay qarax si wayn ay dadka deegaanku u maqleen, Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid ay diyaarinayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab balse markii danbe uu ku qarxay, dhamaan intii ku hawlanayda ay ku geeriyootay.

Malayshiyaad ka tirsan Ururka Alshabaab oo hubaysay ayay dadka deegaanku sheegeen in ay isku gedaameen halka wax ka dhaceen, guud ahaan shacabka ayaana loo diiday in goobta u dhawaadaan.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *