Imaraadka oo Ciqaabaya Ehelada Siyaasiyiinta Dhaliila Maxamed Bin Sayid

Published: December 26, 2019

Qoysaska siyaasiyiinta mucaraadka ee wadanka Imaraadka ayaa halis ugu jira inay lumiyeen dhalashada wadankaasi iyo Adeegyada dowladu siiso ka dib markii xukuumadu ay sharciga kala laabatay qaar ka mid ah qoysaska labo nin oo mucaraad ah oo ku nool dalka dibadiisa.

Mohamed Shiikh Sayid

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanah ee Human Rigt Watch waxay ay sheegtay in Dowlada Imaraadku ay sharciyadii kala laabatay 19 qof oo ah ehelada labo Nin oo mucaraad ku aha xukumayaasha Imaraadka, Sidoo kale 32 qof oo kale ayaa lagu amray inaysan dalka ka bixin karin.

Hay’adu waxay Tallaabadasi ku tilmaamtay ciqaab wadareed lagu bartilmaameedsanayo siyaasiyiinta dhaliila qoyska xukumada Imaraadka ee reer Sheekh Zayid. Tacadiyada kale ee lagula kaco qoysaska mucaraadka ayaa. waxaa kamid ah in loo diido shaqooyinka dowladda iyo shirkada ganacsiga.

Dowladd Isu taga Imaraadka Carabta oo ka kooban 7 Imaraadood waxaa asaasay oo mideeyay alle ha u naxariisti Sheekh Saayid Sanadkii 1971. Imaraada Abu-dubai oo dhul ahaan iyo dhaqaale ahaan ugu ballaaran waxaa xukuma Maxamed Sheekh Saayid iyo walaalihiisa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *