Maamulka Gobolka Banaadir oo qabtay shir looga hadlayo Arimaha Amnigga.

Published: December 26, 2019

Shirka asbuuc laha ah ee ay isugu yimaadaan Maamulka sare ee Gobolka Banaadir iyo maamulka degmooyinka oo ka dhacay Xarunta Gobolka Ayaa diirada lagu saaray Bilic soo-celinta, Ilaalinta Nadaafada, tira-koobka guryaha, sare u qaadista ilaalinta bed-qabka iyo Nadaafada wadooyinka waaweyn. intii uu shirkaan socday waxaa si gaar ah looga dooday qorshaha Amniga caasimada iyo halka uu marayo.

Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la wadaagay Maamulka warbixinada shaqooyinkooda asbuucalaha ah iyo qorshayaasha Amniga waxa uga qabsoomay. Gudoomiye Cumar Filisha ayaa faray gudoomiyayaasha in ay laba jibaaraan shaqooyinka ay waddaaan, sidoo kalena si gaar ah diirada loo saaro Amnigga iyo ka shaqayntiisa.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *