Madaxwayne Waare oo mooshin laga keenay

Published: December 26, 2019

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabelle ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaano ka tirsan maamulka Hir-Shabelele ay wadaan diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxwyene Maxamed Cabdi Waare.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xildhibaannada mooshinka wada ay kor u dhaafayaan ilaa 40, kuwaas oo Waare ku eedeeyey in uu wax ka qaban waayey Arrimo badan oo ay kamid yihiin Amniga,isla markaana Guddoonka Baarlamaanka ay u gudbin doonaan mooshinka ay ka wadaan Madaxweynaha.

Xildhibaan Aadan Kaladire oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa xaqiijiyey in uu jiro mooshinkaas,isaga oo sheegay inay wadaan Xildhibaano u badan Golaha Wasiirada Hir-Shabelele,waxaana uu ugu baaqay inay joojiyaan.

” Xildhibaanada ahna wasiirada oo la ordaya mooshinada madaxda adeerayaalow waqti mooshin lama jooga ee kadaaya buuqa barlamanka kuna xisabtama waqtiga iyo daruufaha lagu jira
waxaad matashaan dad biyo baabasheen
beerahoodina ayax boobay “

Xildhibaan Kaladire.

Si kastaba lama oga halka uu ku dambeyn doono mooshinkaan la sheegay in Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabelele ka wadaan Madaxweynaha maamulkaas, waxaana xusid mudan in Madaxweynihi ka horeeyey Waare ee Cali Cabdullaahi Cosoble ay Baarlamaanka Hir-Shabelele xilkii ka qaadeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *