Muuse Biixi oo Qaabilay Madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada

Published: December 26, 2019

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay kulan salaan ah la qaatay weftigii ballaadhnaa ee ka socday maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federal-ka Itoobiya ee booqashada shaqo ku joogay Somaliland.

Weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada oo ay hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs Chaltu Sani Ibraahim, ayaa kulankooda salaanta ah madaxweynaha kula qaatay xarunta qasriga madaxtooyada Hargaysa, waxana ay labada dhinac iska xog-waraysteen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo guud ahaanba Itoobiya, iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee uu dalka ugu soo dhaweeyey.

Kulanka Salaanta ah ee uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *