Deni: Khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Jubbaland Waa Dhamaaday-DAAWO

Published: December 27, 2019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in khilaafkii u dhexeeyay dowladda federaalka ee Somaliya iyo maamulka Jubbaland uu dhammaaday, islamarkaana ay dowladu aqoonsatay jubbaland.

Madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyay kulanka madasha PDRC Talk oo su’aalo ay bulshada ku waydiinayeen waxaa uu sheegay inuu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaaladda Muqdisho uu la xiriiray xalinta xiisadii ka dhalatay doorashadii Jubbaland balse uu khilaafkaasi uu dhammaaday hadda

” Dowladda Federaalka awalba waxay lahayd ma aqoonsanin, waa tii maalin dhaweyd uu wasiir Bayle tegay oo waa aqoonsadeen oo hadda dhib kama taagna taas, wixii kaloo dhiman iyagaa dhamaysan doono” ayuu yiri

Wuxuu sheegay in meesha uu ka baxay doorkii Puntland ee dhexdhexaadinta dowladda federaalka iyo Jubbland madaama uu dhammaaday khilaafkii.

Inkastoo uu toddobaadkii hore uu wasiirka Maaliyadda Maaliyadda federaalka C/raxmaan uu magaaladda Kismaayo tegay halkaasi oo uu kaga qaybgalay shir ay lahaayeen wasiiradda maaliyada ee Heer federaalka iyo maamul goboleed, haddana weli dowladda federaalka war rasmi kama soo saarin inay aqoonsatay iyo inkale doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

HALKA KA DAAWO

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *