Dhalinyaro Ku Geeriyootay Shil Gaari oo ka Dhacay Garoowe

Published: December 27, 2019
Sawir Hore oo laga qaaday Gaari shil ku galay duleedka Garoowe

4 Dhalinyaro ah oo saddex ka mid ah Dumar yihiin ayaa ku geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay deegaanka 22aad oo dhanka bari kaga beegan caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shilka gaariga oo dhacay 2 Habeenimo ayaa waxaa sidoo kale dhaawac ka soo gaaray Taliye ku-xigeenka booliiska gobolka Nugaal Cismaan Maxamuud Buraale, Dhalinyarada ayaa ka soo laabatay arroos ay ka qaybgaleen

Maydadka ayaa la geeyay isbitalka Wayn ee magaalada Garowe sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Shilal gaari oo noocan oo kale ah kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa hore uga dhacay duleedka Garoowe, waxaana loo aanaynayaa wadada oo burbur xoogan ka soo gaartay roob ka da’ay iyo taxadar la’aanta dhalinyarada dirawalada ee xiliyada dambe habeenkii socdaala.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *