Erdogen oo Soo Bandhigay Baabuur Ku Shaqaynaya Koronto oo Turkiga Lagu Farsameeyay -DAAWO

Published: December 27, 2019

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogen ayaa sheegay in Turkiga uu ka dhabeeyay riyo muddo 60 sanno ah ay hiigsanayeen iyagoo soo saaray Gaari casri ah oo ku shaqaynaya tamarta korontada.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay munaasabad ka dhacday gobolka warshadaha iyo waxsoosaarka caanka ah ku ah ee Kocaeli, munaasabada ayaa lagu soo bandhigayay Baabuurkan oo lagu farsameeyay gudaha Turkiga.

100 Injineer ayaa ka shaqeeyay farsamada matoorka iyo qalabka kale ee uu baabuurku ku shaqaynayo, waxaana la filayaa in sanada 2022ka lagu iibiyo suuqyada Turkiga iyo caalamka

Turkigu ayaa markii u horraysay sanadkii 1961dii isku dayay inuu soo saaro baabuur hase yeeshee kuma guulaysan inuu soo saaro baabuur la tayo ah kuwa Maraykanka, Yurub iyo Jaban.

Shirkada TOGG ee Soo saartay Baabuurkan oo lagu magacaabaa SUV waxay sheegtay inay gacanta ku hayso 5 nooc oo kale oo baabuur ah kuwasoo suuqyada lagu iibin doono Sanadkan 2030ka

Turkiga waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu ka mid noqday wadamada farsamada cusub ee Teknooljiyada u dhoofiya Caalamka.

HALKAN KA DAAWO BAABUURKAAS OO UU WADO ERDOGEN

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *