Khatar Soo food saartay Beeraleyda Hirshabeelle

Published: December 27, 2019

Wasiir ku xigeenka Beeraha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Bashiir Qaasim ayaa walaac xooggan ka muujiyay qatarta ka dhalan karta Ayaxa, aah Cayayaan hali ku ah dalagga iyo daaqa.

Mudane; Maxamed Bashiir, oo u la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ayaxa uu ka soo gudbay Galmudug iyo Dhulka Soomaalida Itoobiya musiibana ku yahay Beeralayda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Beeralaydu ay u baahan yihiin in si deg deg ah looga caawiyo wax kaqabashada Ayaxa oo baabi’naya miraha Beeraha.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *