Nuxurka Khudbadii iyo jawaabaha Su'aalihii La Waydiiyay Madaxweyne Deni ee Madasha PDRC- DAAWO

Published: December 27, 2019

Xarunta PDRC ee Garoowe waxaa xalay lagu qabtay madasha PDRC Talk oo uu marti ku ahaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kulankan oo loogu magacdaray Xaalada guud ee Puntland iyo doorashada Somaliya ee 2021 ayaa su’aalo lagu waydiinayay madaxweynaha.

Madasha ayaa waxaa ka soo qeyb galay ku dhawaad ​​300 oo marti ah oo isugu jirta waxgaradka bulshada Puntland, oo ay ku jiraan bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Khudbad uu madaxweynuhu uu ka jeediyay madasha waxaa uu ka sheekeeyay himillooyinkii guud ee lagu dhisay Puntland iyo jidkii dheeraa ee loo maray dhismaheedii sannadkii 1998kii ka dib geeddisocod sannado qaatay oo bilowday ka dib dhicistii dawladdii Soomaaliyeed sannadkii 1991kii.

Waxaa uu ka warbixiyay waqabadka xukuumadiisa ee 11 bilood, xaalada guud ee Puntland iyo sida maamulkiisu u arko doorashada federaalka ee 2021 iyo arrimo kale.

Puntland way jiraysaa, wax kasta oo ka hor imaanaya shuruucda dalka iyo sida dadku ku heshiiyeyna ma noqon doonto wax ay Puntland aqbasho, sidii horayba uu mowqifkeedu u caddaa. Waxan u baahan nahay wadahadal rasmi ah oo daah furan, waxan u baahan nahay dalku in uu ka baxo is jiid-jiidka” ayuu yiri Madaxweyne deni

Qeybtii labaad ee Madasha PDRC Talks ayaa Madaxweyne Deni lagu weeydiinayay su’aalo kala duwan oo ku saabsan siyaasada, dhaqaalaha, amniga, Mooshinkii xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee barlamaanka, Sababta uu u soo magacaabi waayay guddoomiyaha maxkamada Sare, Khilaafka ka taagan shirkada Adeega siisa ciidamada PMPF, Qorshihiisa doorashada 20201, arrimaha jubbaland iyo waxa Puntland u qabsoomay iyo mudadii Madaxweyne Deni xilka hayay.

HALKAN KA DAAWO SU’AALIHII IYO JAWAABIHII MADAXWEYNAHA

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *