Cumar Cabdirashiid Oo Alshabaab ku Eedeeyay qaraxa ay 90-ka Qof ku Dhinteen

Published: December 28, 2019

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa cambaareeyay qarixii saaka ka dhacay Isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee magaaladda Muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen dad gaaray 90 qof.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu u tacsiyeeyay ehelada dadka ku dhintay qaraxaasi, waxaana uu ilaahay uga baryay inuu caafiyo dadka ku dhaawacmay qaraxa

Wuxuu sheegay inuu aad uga naxay dadka tirada badan ee naftooda ku waayay weerarka bahalnimada ee ururka Alshabaab

” Dhib badana yaa naga soo gaartay kooxda Alshabaab, Shacab iyo dowladba waa inaan iska kaashanaa sidii aan uga hortegi lahayn argagixisada” ayuu yiri cumar Cabdirashiid

Qaraxa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonayaa midkii labaad ee tiro badan oo shacab ah ay ku dhinteen. Qarixii ka dhacay isgoyska Soobe sanadkii 2017kii waxaa ku dhintay dad gaaraya 600 oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *