Dad Ka Badan 90 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxii Ka Dhacay Ex-Kontorool Afgooye

Published: December 28, 2019

Inta la xaqiijiyay ilaa 90 qof ayaa naftooda ku waayay qaraxii saaka ka dhacay isgoyska Ex-Kontrool afgooye ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xoog badan ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo lagu qarxiyay bar kontorool oo ciidamada Booliiska federaalku ay ku qaadaan cashuuraha.

Dadka ku dhintay qaraxa ayaa u badnaa arday u socotay jaamacada Banaadir iyo dugsiyada kale, waxaa kaloo ku dhintay dad shacab ah, askar ka tirsan Booliiska iyo ajnebi u dhashay wadanka Turkiga.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay idaacadda VOA inuu arkayay saddex baabuur oo nooca dadweynaha ee Homeeyda loo yaqaan oo shufbeelay qaraxaas

“Annigu waxaan ka imid ceelasha biyaha, waxaan arkayay gaariga qarax sida oo soo socda oo ku dhacay gaari ay saarnaayeen Turkiga, labada qof turkigu meesha ayay ka soo baxeen iyagoo mayd ah, laakiin dadka kale xisaab ma lahayn oo meeshu mashquul bay ahayd, saddex baabuur oo ay saarnaayeen arday waa shufbeeleen” Sidaas waxaa yiri goobjoog u waramay VOA

Ilaa 200 qof oo dhaawac ah ayaa la geeyay cusbitaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo.

Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaaladda Muqdisho, Hase yeeshee qaraxyada noocan oo kale ah waxaa fulin jiray kooxda Alshabaab oo dagaal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.

Farmaajo oo Cambaareeyay Qaraxa

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaana uu ku tilmaamay qaraxas mid bahalnimo ah oo muujinaya ficillada gumaadka ah ee kooxaha argagixisadu a ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn.

“Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda” ayuu yiri madaxweyne farmaajo,

Guddi Qaran oo La Sameeyay

Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay  guddi Qaran oo ka kooban 10 qof kuwaasoo ka shaqeeynaya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarixii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dhulka Soomaaliyeed waxaa uu ka dhacay isgoyaska Soobe ee Magaaladda bishii October ee sanadkii 2017kii, qaraxaas waxaa ku dhintay dad ka badan 600 qof, waxaan ku dhaawacmay ilaa 1000 qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *