Deni oo Baaq u Diray DF kadib Qarixii Maanta Ka dhacay Muqdisho

Published: December 28, 2019

Madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay shacabkii iyo ciidamadii ku dhintay Qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Ex-kaantarool, wuxuuna ku tilmaameen qaraxaasi murugo iyo tiiraanyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan taabatay.

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wada jira loogu istaago sidii cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah.

Waxaan la qayb sanayaa murugada iyo tiiraanyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay falkii bahalnimada ahaa ee Argagixisadu u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, Alle ayaa uga baryayaa intii ku dhimatay inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna u booga-dhayo caafimaad deg degana siiyo Aamiin Aamiin” ayuu yiri madaxweyne deni

Dadka ka badan 90 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa saaka ka dhacay isgoyska Ex-Kontorool afgooye, dadka dhintay ayaa u badnaa dad shacab , waxaana ku jiray labo qof oo ajnebi ah oo u dhashay wadanka Turkiga

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *