Erdogan oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho

Published: December 28, 2019

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Erdogan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Bulshada waxaa uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay qaraxii maanta ka dhacay Isgooyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa yiri “waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee Muqdisho. Labadeenna muwaadin iyo walaalaheyga Soomaaliyeed ee geeriyooday waxaan Eebbe u weydiinayaa naxariis, dhaawacana caafimaad deg-deg ah. Qarankeenna iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha nahay waan u tacsiyeynayaa. Turkey, weligeed Soomaaliya waa garab taagan yahay .”

Madaxweynaha dalka Turkiga Qoraalkaan waxa uu soo dhigay bartiisa bulshada

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *