Gollaha Shacabka oo Ansixiyay sharciga doorashooyinka Federaalka

Published: December 28, 2019

Xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay dhawaanahan ka doodayeen.

Kulanka Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeennada Koowaad iyo labaad ee Golaha ayaa dood dheer kaddib waxa ay Xildhibaannadu akhrinta 3-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

“Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxaa ogol u codeeyay (Haa) 171 waxaa diiday 5 Xildhibaan, waxaana ka aamustay labo Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *