Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Ex-Afgooye Control oo sii korortay.

Published: December 28, 2019
Sawirka Qarax

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saaka ku qarxay kaantaroolka Ex-Afgooye ee Magaalada Muqdisho halkaas oo aad mashquulkeedu u badnaa, Qaraxa ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirra iyo burbur hantiyeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqday halka qaraxu ka dhacay waxay sheegeen in khasaare wayn uu gaystay, sidoo kale waxay u mahad-celiyeen ciidamadii naftooda u huray sidii ay shacabka weerarkaan uga difaaci lahaayeen.

in ka badan 70 ayaa lagu soo waramayaa in qaraxaan ay ku dhintaa halka tiro intaas ka badan oo 90qof kor u dhaafaysayna ay ku geeriyoodeen qaraxaas. sidoo kale Cisbiaalka Digfeer oo la gaarsiiyay inta u badan ee dadka kusoo dhaawacmay qaraxa ayaa dalbanaya gurmad dhiig ah, iyadoo bulshada laga codsanayo in dhiigooda ay ugu deeqaan walaalaha dhaawaca ah.

dadka qaraxaan ku waxyeeloobay ayaa lagu sheegay in ay u badanaayeen arday tira badan oo u socday dugsiyadda, dad shacab ah oo shaqa tag ahaa, dadkii goobaha ganacsi kulahaa agagaarka cantrolka iyo ciidamo ka tirsan Booliiska. tirada dhimashada ayaa lagu waramayaa markasta in ay kordhi karto,

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *