Lacago Garoowe Looga Ururiyay Gurmadka Gobolka Garfaduu

Published: December 28, 2019

Kulan lacago loogu ururinayay gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay roobabkii ka da’ay gobolka Garfaduu ee Puntland ayaa xalay lagu qabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Kulankan loogu qareemayay gurmadka gobolka Gardafuu waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha ku-xigeenka Barlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Wasiiro ka tirsan xukuumada, Xildhibaan, Isimo iyo marti sharaf kale

Kulanka waxaa lagu ururiyay lacag ka badan $260,000, lacagtaas waxaa ku yaboohay madaxweyne ku-xigeenka, gollayaasha dowladda, shaqaalaha dowladda, ciidamada, dhalinyarada, haween iyo qaar ka mid ah qurbojoogta Puntland

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa ku yaboohay inuu gurmadka uga qaybgalayo lacag dhan 5,000 kun oo dollar, gollaha wakiilada Puntland ayaa iyaguna ku yaboohay lacag dhan 20,000 kun oo dollar, halka shaqaalaha madaxtooyadu ay ballanqaadeen inay bixinayaan lacag dhan 10,000 kun oo dollar.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *