Qarax ka Dhacay isgoyska Ex Control Afgooye

Published: December 28, 2019

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho waxa ay sheegayaan in Saaka uu Qarax khasaare gaystay uu ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye.

Gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka. Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeelo weyn gaarsiiyay dad shacab ah oo isticmaalayay waddada maadaama xiliga qaraxu dhacay ahayd waqti mashquul badan uu ka jiray wadadada oo dadku shaqooyinka aadayeen,ardayduna goobaha waxbarasho usocdeen.

Qaraxa ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, baabuurta gargaarka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *