Ra'isul Wasaare Khayre oo Magacaabay Guddi Gurmad Qaran

Published: December 28, 2019

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *