DF oo shaacisay Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxa Muqdisho-DAAWO

Published: December 29, 2019

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday tirada rasmiga ee ku dhimatay qarixii ka dhacay Isgoyska ex-Kontorool ee Magaaladda Muqdisho

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaa uu sheegay in tirada dhimashadu ay tahay 79 qof, halka dadka ku dhaawacmay ay kor u dhaafayaan 100 qof.

” Cusbitaaladii iyo meel walba markaanu soo eegnay, tirada saxda ah ee dadku doonayay waa 79 qof ayaa ku dhintay qaraxaas, waxaa dhici karta in qof iyo labo ku sii darsamaan maxaa yeelay dad badan oo dhaawacyo halis ah qaba ayaa jira” Sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Wuxuu sheegay in dadka ku halaagsamay qaraxa ay ku jiraan saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada booliiska, kuwaaso uu sheegay inay naftooda ku waayeen iyagoo ka hortegay in Baabuurk qarax sidaa uu soo galo magaaladda Muqdisho, waxaa kaloo uu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen arday saarnayd labo bas oo qaraxu baabiiyay

Dowladda federaalka ayaa ku eedeeysa ururka Alshabaab inay masuul ka yihiin qaraxa dadka badan lagu laayay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *