Hiiraan – Macawiisley iyo Shabaab oo dagaal dhexmaray

Published: December 29, 2019

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegaya in xalay uu dagaal culus deegankaas ku dhexmaray kooxda Macawiisley iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Macawiisley ee ka dagaalanta deegaanada Hir-Shabeelle ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ka bilaawaday dagaal culus oo socday saacado badan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac hase yeeshee wali lama xaqiiji karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka aas-aasan koox la magac baxday Macawiisley oo ay taakuleyso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab, iyagoo kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ay u maamulayeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *