Khayre Oo Booqday Xarunta Gurmadka Degdegga Ah Iyo Isbitaalka Erdoğan-SAWIRO

Published: December 29, 2019

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre oo xarunta gurmadka kula kulmay guddiga gurmadka ee maanta uu magacaabay iyo dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, ayaa ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha, waxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka degdegga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dadaallada gurmadka dhaawacyada, iyadoo dhaawacyada xaaladoodu ay aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel dalka dibaddiisa ah si loo badbaadiyo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa caawa isbitaalada ku booqday dhaawacyada dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay Ex control Afgooye

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay la socdeen xubno katirsan xildhibaannada golaha shacabka iyo wasiirro ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalka Erdogaan Ex Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu guddoomiyuhu alle uga baryay in uu bogsiiyo dadka dhaawacyada qaba,isagoona ka tacsiyadeeyey dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qaraxaasi bahalnimo ee maanta kooxaha argabixisadu ay ka geysteen magaalada Muqdisho.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *