Karaash oo Furay shirka la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland.

Published: December 30, 2019

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa magaaladda Garoowe ka furay shirka wadajirka ah ee la dagaalanka nafaqo darida.

Shirkan oo saddex biloodle ah ujeedkiisu waa sidii wadajir loo la dagaalami lahaa Nafaqo darida, waxaana ku kulma dhammaan Wasaaraddaha Dowladda ee arrintan khuseyso iyo Hay’addaha kala shaqeeya.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal kooban ka jeediyay shirka waxaa uu sheegay in waajib tahay in laga wada shaqeeyo sidii looga hortegi lahaa nafaqada darada caruurta.

” in nafaqo darada lala dagaalamo waajib bay nagu tahay gaar ahaan qaramada midoobay, hay’adaha kale iyo adduunka oo dhamiba

Madaxweynuhu ku-xigeenku wuxuu ka codsaday hay’adaha puntland ka caawiya la dagaalanka nafaqo darida inay dhiirigaliyaan wasaaradaha iyo shaqaalaha ka shaqeeya ee wakiilada u ah hay’adaha lacagta bixiya gaar ahaan mashruuca loogu magac daray “SCALIN UP NUTRITION” ee la dagaalanka nafaqo darida ee Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *