Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Tegay Dhuusamareeb

Published: December 30, 2019

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

Mudane Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka.

Safarka Ra’isul wasaaraha ee Dhuusamareeb oo dhowr jeer dib u dhacday ayaa sidoo kale la xiriirtaa soo xuslista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo aan weli si rasmi ah loogu heshiinin

Maanta oo ah 30ka Bisha December ayaa waxaa ay ku beegan tahay Maalinta Guddiga doorashada Galmudug ay u asteeyeen in lagu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug,hayeeshee ay u muuqato in ay dib u dhacayaan xilliyada loo asteeyey xulista Xildhibaannada iyo doorashada hoggaanka Sare ee Galmudug.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *