Madaxweyne Farmaajo iyo Erdogan oo khadka taleefoonka ku wada hadlay.

Published: December 30, 2019

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajib Dayib Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula soo xiriiray Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Erdogan ayaa uga tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Ex-Cantrol Afgooye, waxa uu sidoo kale xusay in dawladiisa iyo shacabka Turkigu ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey xukuumadda iyo shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaiya, isagoona adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta ee dalka. sida lagu yiri war kasoo baxay Villa Somalia.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *