Maraykan oo kordhiyay howl-galadiisa Al Shabaab

Published: December 30, 2019

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa faah- faahin ka bixiyay illaa Saddex weerar oo dhinaca cirka ah, oo lala beegsaday Laba goobood oo Shabaabka ka hawlgalaan.

Ka dib weerarkii maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa sheegay inay qaadeen Saddex hawlgal, oo Laba ka mida hal goob laga fuliyay.

Qoraal uu soo saaray Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in deegaanka Kuunyo Barrow laga fuliyay Laba hawlgal, iyadoona lagu dilay Saddex ka mid ah Al Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu xusay hawlgalka Saddexaad oo ka dhacay deegaanka Caliyow Barrow in lagu qaarajiyay xubin kale oo Shabaabka ka tirsanaa.

Weeraradaan ka dhanka ah ururka Al Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose ayaa la sheegay in sidoo kale lagu burburiyay Laba ka mid ah gaadiidka Shabaab-ka.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah Al Shabaab, tan iyo markii uu xafiiska qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *