Maxaabiis Loo Haystay Alshabaabnimo oo Ka Baxsaday Xabsiga Muqdisho

Published: December 30, 2019

Xabsiga dhexe magaaladda Muqdisho ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ka baxsadeen saddex Maxbuus oo maxkamadi xukumo ku riday.

Saddex Maxbuus ayaa ku eedaysnaa inay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah laga soo qabtay Kawaanka kalluunka ee Xamar Weyne ee Muqdisho.

Mid ka mid ah labada maxbuus ee maqan ayaa ku xukunaa Xabsi daa’in halka maxbuus kalena uu ku xukunaa 15 sanno oo xarig ah.

Taliska Ciidamada Asluubta ee dowladda federaalku weli wax war kama soo saarin maxaabiista ka baxsatay xabsiga dhexe ee Muqdisho oo ah mid aad loo ilaaliyo ammaankiisa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *