Maxkamad Dil Ku Xukuntay 27 Sarkaal oo Ka Tirsan Sirdoonka

Published: December 30, 2019

Maxkamad ayaa maanta isniin ah dil xukuntay 27 Sarkaal oo ka tirsanaa Sirdoonka Wadanka Suudaan, kuwasoo lagu helay inay dil iyo jirdil ay u gaysteen Mudaharaadayaal.

Xaakim Sadak Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Saraakiisha lagu helay inay jirdileen ka dibna ay daldaleen alle ha u naxarisitee Axmed Alkhayre Cawad. Axmed oo ahaa macalin ayaa lagu xiray Xarun ay sirdoonku ku lahaayeen gobolka Kassala ee bariga Wadanka Suudaan

Ugu yaraan 177 qof ayaa lagu dilay kacdoonkii shacabka Suudaan ay kaga soo horjeedeen hoggaamiyihii mudada dheer dalkaasi xukumayay ee Cumar Xasan Albashiir. Dadka intooda badan waxay ku dhintay xasuuqii dhacay ka dhacay Banaanka hore ee xarunta ciidamada ee magaaladda Khartuum.

Madaxweynihii xukunka la riday Cumar Xasan Albashiir ayaa maxkamadi dambi ku heshay kaasi oo lagu riday xukumo kala duwan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *