Qadar oo Muqdisho u Soo Dirtay Diyaarad Milateri

Published: December 30, 2019

Diyaarad nooca milateriga ah oo ay leedahay dowladda Qadar ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Diyaaradan oo ay la socdaan dhakhaatiir iyo qalab caafimaad oo casri ah ayaa qaadaysa 27 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgoyska ekiskontrool ee magaalada Muqdisho.

Dadka maanta la qaadayo ayaa u badan kuwa qaba dhaawacyo culus oo u baahan qaliimo iyo cusbitaalo ka casrisan kuwa magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay sagootiyay 16 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa muqdisho, kuwasoo ay qaaday diyaarad ay soo dirtay dowladda Turkiga, waxaana lagu soo dabiibayaa wadanka Turkiga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *