Xamar – Gudiga Gurmadka " Waxa la la’yahay 20 qof"

Published: December 30, 2019

Guddiga Gurmadka ee ku howllan tirakoonka dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Sabtigii ka dhacay Ex-Koonatarool Afgooye ayaa sheegaya in 25 qof ay maqanyihiin.

Saraakiisha guddigaaas oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in 22 Lab ah iyo 3 dheddig ah ay maqanyihiin wali.

Dadka maqan waxaa ka mid ah 8 carruur ah oo 6 ka mid ah ay Lab yihiin halka Labada kale ay dheddig yihiin.

Sarkaalka u hadlay guddiga ayaa waxaa uu sheegay in 5 qof nolol lagu helay qofna dhintay isaga oo intaas raaciyay in dadka maqan ay hadda gaarayaan 20 qof.

Waxaa uu sarkaalka u hadlay Guddiga Gurmadka sheegay in Isbitaalka Madiina yaallaan meydad aan wali la aqoonsan waxaana uu dadka ehelkooda maqanyahay ka codsaday in ay tagaan isbitaalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *