Xildhibaano si Kulul u Dhaliilay Qoondadka Miisaaniyada 2020ka Loogu Daray Somaliland-DAAWO

Published: December 30, 2019

Qaar ka mid ah xildhibaanada dowladda federaalka ee ka soo jeeda degaanada Somaliland ayaa si kulul u dhaliilay qoondada lacageed ee dowladda federaalku ugu dartay miisaaniyada 2020 maamulka Somaliland.

Miisaaniyada 2020ka oo maanta ay si wadajir ah uga doodayeen labada aqal ee barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dowladda federaalku waxay u qoondaysay Somaliland 400kun oo dollar oo loogu talagalay guddiga wadahadalada dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in miisaaniyada cusub aysan mudnaan siinayn baahiyaha ay qabaan dadka reer Somaliland ee dhinaca horumarinta iyadoo deeqaha ka imaanay beesha Caalamka ee lagu daray misaaniyada ay kor u dhaafayaan 240 Milyan oo dollar.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in hoos u dhac uu ku yimid lacagihii deeqaha ee la siin jiray maamulka Somaliland iyagoo arrintaas masuuliyadeeda dusha u saaray wasiirka qorshaynta Federaalka Jamaal Maxamed Xasan oo waraaq uu u qoray beesha caalamka kaga dalbaday in deeqaha la siiyo Somaliland la soo marsiiyo dowladda federaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. xamar waa xaaranta waxaya lagubanaysaa iyo cadaala darada waa munaafiqiina calooshooda iyo carabakoodu waar kal jaada ha aamini Waligaa Somaliand waxaba xamar ugama baahane bel idinkuu ku hesheeya. qawalaysatadi Roodiishiya