Somaliland: 88 Qof ayaa Xoriyada Hadalka Loo Xiray Sanadkan sii dhammaanaya

Published: December 31, 2019

Xarunta Xuquuqal Insaanku Somaliland ayaa warbixin sanadeedkeedii xuquuqal insaanka Somaliland waxay ku sheegtay in 88 qof loo xiray xoriyada hadalka.

Suxufi Cabdimalik Coldoon

29 qof oo ka mid ah dadka loo xirxiray xoriyada hadalka waa suxufiyiin halka 59 qof ee kale ay isugu jiraan Siyaasiyiinta iyo dad shacab ah. warbixintu waxay sheegtay in 29 suxufi ee la xiray uu Hal suxufi oo kaliya uu xukun ku dhacay kaasi oo ah Cabdimaalik Muuse Coldoon

“Xaalada xoriyatul qolwka oo sii xumaanaysa iyo xadhiga sharci darada ah oo sii badanaya. Somaliland dhexdeeda way adag tahay in qof ku si xora fikirkiisa u cabiri karo.  Sanadkan 2019 waxay Xarunta Xuquuqal Insaanku diiwaan galisay” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda

Warbixintu waxay sheegtay in Sanadkan 2019ka ee sii dhammaanaya uu labo jibaar ka badan yahay sanadkii hore dadka loo xirxiray xoriyada qolka , waxaana sanadkii hore la xiray 35 qof oo kaliya

Warbixintu Waxay sidoo kale sheegtay in xadhig xad gudub ah lagula kacay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ah xildhibaan Barlamaanka ka tirsan, waxa laxidhay isagoo xasaanadiisii huwan, arinkaas oo runtii ahaa arin sharciga baal marsan ayaa lagu yiri warbixinta

“tacadiyada boolisku  kula kacaan shacabka. Boolisku waxay had iyo jeer ku kacaan ooy caadaysteen, tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha. Waxay si daah furan u qaraacaan dad shacab ah oon waxba galabsan.  Waxay xaruntu diiwaangalisay garaacis police kula keceen wiil dhalin yaro ah oo lagu xidhay saldhiga booliska ee Koodbuur. Wiil kaas oo ilig uu nin boolis ka tirsani ka riday, majirin wax eed ah oo laga gudbiyay askarigaas” ayaa lagu yiri warbixinta

Warbixintu waxay kaloo sheegtay inu xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay soo saartay amaro isdaba jooga ah, kuwasoo xaruntu ku tilmaamtay inay caqabad iyo cabudhin ku yihiin warbaahinta madaxa banaan.

Waxyaabaha kale ee xaruntu diiwaan galisay waxaa ka mid ah dil aan garsoorku jidayn oo Ceel afwayn ka dhacay.

“27 bishii todobaad ee sanadakan sii dhamaanaya ee 2019, waxay ciidamada RRU du, magalaadada Ceel afwayn ku dileen marxuum Rooble Mahdi Eidle oo 22 jir ahaa, marxuumku muu hubaysnayn markii dilka loo gaysanayay. Waxa sidoo kale xabado aan loo meel dayin oo ciidamada RRU fureen ku dhimatay marxuumad Sucaad Abdilaahi Ducaale oo 32 ahayd”

Sidoo kale warbixintu waxay iftiimisay xadgudubyo ay ka mid yihiin dad dhulkii ay daganayeen xoog iyo awood dowladu kaga saartay, kadib markii ay sheegtay in iyadu dhulkaa madaxtooyo u qoondaysay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment