Marwada 1-aad ee Soomaaliya oo booqatay dhaawacyadii Qaraxii Ex-Kaantarool

Published: January 1, 2020

Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa booqatay qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxii wuxuushnimada ahaa ee Ex-Kaantarool.

Marwo Seynab ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyadan ka dhageysatay dhakhaatiirta iyo maamulka Isbitalka Ordogaan, iyagoona faahfaahin ka siiyay hannaanka ay u maareeyeen dhaawacyadii halista ahaa ee loo qaaday dalka dibaddiisa.

Sidoo kale, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa la kulantay qaar ka mid ah qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta ku dhaawacmay qaraxii lagu xasuuqay dadka Soomaaliyeed ee birmageydada ahaa, waxa ayna u sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay garab taagan yihiin.

Marwada Qaranka ayaa tacsi u dirtay ehelada muwaadiniintii ku shihiiday Qaraxii bahalnimo ee Ex-Kaantarool, waxa ayna ku baaqday in si mugleh loo garab istaago ubadka iyo qoysaska ay ka tageen oo ay u ahaayeen isha nololeed ee ay ku tiirsanaayeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *