War kasoo baxay ICRC & SRCS oo Ka Caraysiiyay Dowladda Fedraalka

Published: January 1, 2020

Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay war ka soo baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, oo weerarkii Alshabaab ee 28 Dec 2019 ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.

Warasaxafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in dowladu ka xuntahay war ka soo baxay hay’adahaasi

“Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay” ayaa lagu yiri jawaabta dowladda federaalka

Dowladda waxay ku boorisay Hay’adaha ICRC iyo SRCS inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca, maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii ka dhacay isgoyska Ekiskontorool ee Muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 90 qof

“Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda.Sidaas daraadeedna ay  xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan” ayaa lagu yiri warsaxafadeed

Hay’adaha ICRC iyo SRCS ayaa warsaxafadeed ay ka soo saareen qarixii Ekiskontrool afgooye waxay sheegeen inay tahay wax aan la aqbali karin ay tahay in shacabku uu dhibane u yahay dagaalka u dhexeeya dowladda federaalka iyo kooxaha la dagaalamaya, waxayna ugu baaqeen in loo naxo shacabka.

Gabagabadii dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysay War-Murtiyeedkii Kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii Dec. 2019 Kulan dag dag ah ka Yeeshay Weerarkii Argagixisada Al Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay Dad Shacab ah oo aan waxba galaybsan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *