kenya: Shabaab oo Bas Ku weeraray Gobolka Xeebta ee Lamu

Published: January 2, 2020

Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab ayaa weeraray gaari Bus ah oo marayay degaanka Nyongoro oo ka tirsan gobolka xeebta ee LAMU.

Taliyaha ciidanka Booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa wargayska Star u sheegay in Maleeshiyaadku ay rasaas aan kala sooc lahayn ku fureen dad shacab ah oo saarnaa Buska, halkaasi oo ay ku dileen 3 qof, 3 kalenana ay dhaawacyo culus ay soo gaareen.

Taliyuhu wuxuu sheegay in amniga degaanka Lamu aad loo adkeeyay kadib weerarkaasi, waxaana uu sheegay in tirada dhimashadu ay intaas ka badan karto marka loo eego dhaawacyada halista ah ee soo gaaray dadka qaarkii.

” Waxaan xaqiijinaya in saddex qof ay ku dhinteen weerarkaasi, saddex kalena dhaawacyo halis ah ay soo gaareen, marka uu dhamaado baaritaanku ayaanu xog dheeri ah la wadaagi doonaa bulshada” ayuu yiri taliyuhu

Buska la weeraray ayaa 44 qof oo rakaab ah ka qaaday magaaladda Lamu isagoo ku sii jeeday magaaladda Mombasa markii la weerarayay. Kooxda weerarka gaystay ayaa ka soo baxay dhul keyn ah ka dibna rasaas ku furay rakaabka saarnaa Baska

Weeraro la mid ah midka ka dhacay degaanka Lamu ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay gobolka waqooyi Bari ee Kenya, kuwasoo lagu bartilaameesanayay saraakiisha iyo shaqaalaha u shaqeeya dowladda Kenya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *