Korneyl Caarre oo heshiis la galay xukuumadda Muuse Biixi

Published: January 2, 2020

War ay baahiyeen warfidiyeenada Somaliland ayaa lagu sheegay in Korneyl Saciid Jaamac Caarre iyo xukumadda Somaliland ee war-wadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay wada sixiixdeen hesheed nabadeed, kadib wadahadallo muddo badan qaatay.

Wararku waxay sheegayaan in Caarre uu aqbalay in jabhaddiisa laga soo saaro buuraha, sidoo kalena uu nabadda qaato.

Wararka ayaa sheegaya in waxgaradka beeshiisa iyo sidoo kale xukuumadda Muuse Biixi ayaa ka dalbaday Caarre in uu ciidankiisa kusoo daro kuwa Somaliland, isna la siiyo lacag dhan 300 Kun oo doolar, dalka dibaddiisana uu aado.

Caarre ayaa intaasba aqbalay, waxaana la filayaa in saacadaha soo aaddan ciidankiisa ay dhanka Xukuumadda Biixi ku biiraan.

Jabhadda Korneel Caarre ayaa saldhigyo waaweyn ku lahayd deegaanno ka mid ah Somaliland, waxaana dagaallo culus ay ka galeen deegaanno dhowr ah oo hoosta maamulka Biixi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment